Waxay ku taal prime meridian iyo udub dhexaadka eber waxayse Greenwich adduunka oo dhan caan uga noqotay ahaansheheeda ay tahay badhtamaha waqtiga addunnka.
Degmada waxaa ku nool dad tiradoodu gaarayso 223.700 oo qof, ku dherersanaanteeda webiguna waa kan ugu dheer London. Waxay ku faantaa hirgelinta qaar ka mid ah mashaariicda London ugu himilooyinka fiican kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa laga wado agagaarka khaymadda kunlayda (millenium Dome) ee saaran jasiiradda Greenwich iyo horumarin cusub oo xiiso leh oo ka socota meesha la yiraahdo Royal Arsenal ee Woolwich. Waxay hoy u tahay mujtamac dhaqammadoodu kala duwan yihiin afafka ay ku hadlaannaa ay aad u tira badan yihiin.
Dawladda Hoose ee GreenwichDegmada Greenwich waxay ku baahsan tahay dhul dhan 5000 oo hektar laga bilaabo Greenwich, Blackheath, Charlton, Woolwich, woqooyiga Thamesmead ilaa Kidbrooke iyo koonfurta Eltham.
Dawladda hoose waxay masuul ka tahay adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihin waxbarashada, adeegga bulshada, qashin uruninta, beeraha nasashada, waddooyinka baabuurta, qorshe dejinta iyo guriyeynta. Waxaan bixinaa talooyin xagga maaliyadda ku saabsan dadweynahana waxaan ka taageeri karnaa sidii ay u codsan lahaayeen gunnooyinka iyo deeqahaba.
Dawladda Hoose waxay leedahay kaalin bulsho hoggaamin ah ooy kor ugu qaaddo danaha degmada hadday noqan lahayd dhinaca horumarinta dhaqaaleheeda, bulshadeeda iyo degaankeedaba.
Dawladda hoose waxaa dhanka siyaasadda ka maamula koox xildhibaanno ah oo kala matala aagag kala duduwan - loona yaqaan waaxo - oo dagmada gudeheeda ah. Xildhibaannadu waxay jagada qabsadaan afartii sanaba mar, waxayna toddobaad walba aagaggooda ku qabtaan kulammo talo bixin ah.
Haddii aadan ku hadlin af Ingiriisiga aadna u baahatid inaad nagala hadashid adeegyada aan fidinno, arrinkaas waan kaa taageeri karnaa. Waxaad arki doontaa khadka adeegga luqadaha oo kuugu diyaar ah qeybta soo dhoweynta ee dhismayaasha dawladda hoose qaarkood. Adeeggaani wuxuu kuu gudbinayaa turjumaan.
Waxaad isha marisaa liiska dhismayaasha dawladda hoose si aad u ogaatid meelaha adeeggaan laga helo.
Khadadka luqadaha waxaa laga helaa dhismayaasha Dawladda Hoose ee soo socda:Adeegyada Bulshada (Adult and Older People's Services) Nelson House 50 Wellington Street Woolwich London SE18 6BU Tel: 020 8921 5673
Waqtiyada la furo: Isniin ilaa Khamiis, 9gh ilaa 5gd Jimce, 9gh ilaa 4gd
Adeegyada Waxbarashada (Education Services) 2nd Floor Riverside House Woolwich High Street London SE18 6DF Tel: 020 8921 8038
Waqtiyada la furo Isniin ilaa Khamiis, 9gh ilaa 5gd Jimce, 9gh ilaa 4gd
Unugga Baahida Guriyeynta (Housing Needs Unit) 125 Powis Street Woolwich London SE18 6NL Tel: 020 8921 2863
Waqtiyada la furo Isniin ilaa Jimce, 9.30gh ilaa 4gd Arbaco 1gd ilaa 4gd
Xarunta Gargaarka Guriyeynta (Housing Aid Centre) 125 Powis Street Woolwich London SE18 6NL Tel: 020 8921 2618
Waqtiyada la furo Isniin ilaa Jimce, 9.30gh ilaa 4gd Arbaco, 1gd ilaa 4gd
Adeegyada Dadweynaha (Public Services) 151 Powis Street Woolwich London SE18 6JL Tel: 020 8921 2562
Talooyinka iyo Gunnooyinka (Advice and Benefits) 1st Floor, Riverside House Woolwich High Street Woolwich London SE18 6DF
|